Dawada Nafta
shared
This Book is Out of Stock!

About The Book

DAWADA NAFTA waa buug si qoto dheer u falanqeynaya nafta aadanaha iyo cudurrada ay la kulanto. Wuxuu si faahfaahsan u sharxayaa xaaladaha kala duwan ee naftu leedahay iyo sida loo daaweeyo cudurrada nafta ku dhaca sida hawo-raaca iscajabka islaweynida istuska iyo xasadka. Buuggu wuxuu ka kooban yahay laba cutub oo waaweyn. Cutubka koowaad wuxuu faahfaahinayaa macnaha nafta xiriirka ay la leedahay qalbiga caqliga jirka iyo ruuxda. Wuxuu sharxayaa sida loo hufiyo nafta iyo sida loola halgamo. Cutubka labaadna wuxuu si qoto dheer u falanqeynaya cudurrada nafta ku dhaca astaamaha lagu garto sababaha keena iyo daawooyinkooda. Dr. Cali Maxamed Salaax wuxuu adeegsaday Quraanka Sunnada Nabiga ﷺ iyo aqoonta culimada si uu u sharxo aragtidiisa ku saabsan daaweynta nafta. Wuxuu si gaar ah u falanqeeyey hannaanka ay culimadii hore u daaweyn jireen naftooda iyo casharrada laga baran karo. Buuggan waa il qiimo leh oo muhiim u ah qof kasta oo doonaya inuu fahmo naftiisa cudurada ku dhaca iyo sidii uu uga bogsan lahaa.

DR CALI MAXAMED SAALAX waa aqoonyahan diimeed waa cilmi baare wax ka qoray culuum kala duwan sida xadiiska culuum Quraanka fiqiga iyo is bar-bar dhiga diimaha; (Yuhuudiyada kristaanka iyo Islaamka) oo uu ka gaarey derajada (professor). Sanadkii 1991-kii Dr Cali wuxuu ka qaatay shahaadada Bachelor-ka Xadiiska iyo Diraasaadka Islaamka Jaamacadda Madiina Sacuudi Carabiya kadibna wuxuu ka qaatay shahaadada Master-ka cilmiga diinta iyo Diraasaadka Islaamka Maka sanadkii 1994-kii ka dibna sanadkii 2000 wuxuu ka qaatay Doktoraadka Falsafadda iyo Diimaha Is-barbardhiga ah Jaamacadda Qaranka ee Malaysia. Ugu dambeyntii sanadkii 2020-kii wuxuu ka qaatay Shahaadada Norwegian center for arbitration and legal services. Buugaagta uu Dr Cali daabacay waxaa ka mid ah kuwa Ingiriiska ah: Qur'aan: Moral Compass of the Believer (Looh Press 2023); Evil Eye: Reality and Remedy (Looh Press 2023); The Shield of Islam (Looh Press 2024); Domestic Peace: Quranic Guidance for Building Healthy Family Bonds (Looh Press 2024); The Pearls: An Anthology of Lectures on Morality Spirituality and Intellectualism (Looh Press 2024); Jinn & Black Magic: Understanding The Reality & Seeking Remedies in Islamic Theology (Looh Press 2024); 10 Stories from the Prophet: Reflections & Insights (Looh Press 2024); The Abrahamic Paradigm: Pluralism Salvation and the Challenges of the Contemporary Abrahamic Trialogue (Looh Press 2024). Kuwa Carabiga ah uu qoray waxaa ka mid ah: al-Takmiilah fii Taxqiiq Axaadiis min Jamcil Fawaaʾid: Qism al-Tafsiir (Looh Press 2023); al-Islaam wal-Diyaanataanii al-Yahuudiyyah wal-Masiixiyyah: Muqaaranaat fii al-Uṣuul al-ʿCaqadiyyah (Looh Press 2024). Kuwa Af-Soomaaliga ku qoran waxaa ka mid ah: Tiryaaq: Dawada Shubhada-turjumaad (Yaqiin Press 2024); Dawada Nafta (Looh Press 2025); iyo qoraallo kale oo badan. Hadda Sheekh Dr. Cali Maxamed Salaax wuxuu qayb ka ahaa asaaska machadaka Iqra academy sidoo kalena wuxuu soo qabtey jagada ah maamulha Iqra Foundation. Wuxuu haatan imaam ka yahey markazka Tawfiiq Islaamic centre.

Piracy-free
Piracy-free
Assured Quality
Assured Quality
Secure Transactions
Secure Transactions
*COD & Shipping Charges may apply on certain items.
Review final details at checkout.
1442
1615
10% OFF
Paperback
Out Of Stock
All inclusive*
downArrow

Details

LOOKING TO PLACE A BULK ORDER?CLICK HERE