Diiwanka Maansooyinkii Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle 1946-2010

About The Book

KU SAABSAN BUUGGA:

Buuggan waxaa lagu soo aruuriyey maansooyinkii Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle kuwaas oo gaaraya 140 maanso oo isgu jira gabay geeraar salsal iyo shirib. Waxaa kale oo wehliya maansooyin kale oo ay tiriyeen abwaano kale oo ka fal celiyey qaar ka mid ah maansooyinka Abshir Bacadle.

KU SAABSAN QORAAGA:

DR. MAXAMED XUSEEN MACALLIN wuxuu ku dhashay Muqdisho 1964kii. Sidoo kale waa bare iyo cilmibaare. Wuxuu ka qalan jabiyay Jaamacat Umm al-Quraa' ee Makka al-Mukarama Taariikhda Islaamka sanadkii 1987-1991kii isla jaamacaddaas sidoo kale master sanadkii 1992kii. PhD wuxuu ku sameeyay Jaamacada al-Niilayn ee Suudaan sanadkii 2001-2006kii. Wuxuu ka soo shaqeeyay Jaamacado badan. Sidoo kale qoraagu wuxuu ka mid yahay ururo aqooneed oo caalamka ku firirsan. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin kuwan: Taariikhda Culimada Soomaaliyeed (Looh Press 2021); Haldoorada Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha: Ingiriiska iyo Waqooyiga-Yurub (Looh Press 2023); Diiwaanka Maansooyinkii Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle (Looh Press 2025). Sidoo kale wuxuu Afcarabi ku qoray: al-Thaqaafat al-Carabiyyah war-Ruwwaaduhaa fiil-Soomaal (Looh Press 2023); Mucjam al-Mu'allifiin al-Soomaaliyiin fiil-Carabiyyah (2016); Cibaaqarat al-Qarn al-Ifriiqii (Looh Press 2025); al-Calaaqat bayn al-Qarn al-Ifriiqii wal Caalam al-Khaarijii (Looh Press 2025) iwm.

Dr Maxamed Xuseen Macallin hadda wuxuu deggen yahay waddanka Noorwaay waana aabbe xaas caruur leh.

Piracy-free
Piracy-free
Assured Quality
Assured Quality
Secure Transactions
Secure Transactions
Delivery Options
Please enter pincode to check delivery time.
*COD & Shipping Charges may apply on certain items.
Review final details at checkout.
downArrow

Details

LOOKING TO PLACE A BULK ORDER?CLICK HERE