Buuggani wuxuu dabo socdaa buugga Kalahaadkii

Muqdisho. Waa buug ka warramaya dhibaatooyinkii ka

dhashay dagaaalkii 1991-kii ka qarxay Muqdisho iyo

barakacii baahsanaa ee ku dhacay dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu ka hadlayaa dadkii dagaalku kala firdhiyay dalka

gudihiisa dhibaatooyinka ku habsaday iyo kuwii dalka

dibaddiisa u baxay jahawareerka ku dhacay. Buugga oo

akhristaha dhul badan marinaya wuxuu sheegayaa dadkii

qaxayay halganka ay galeen si ay naftooda u badbaadiyaan.

Dadku waxay meelo bad an kala kulmeen xarig dil iyo

faquuq kuwo badannina naftooday ku waayeen.

Markii dagaalku ka qarxay Muqdisho dadkii degganaa

magaalada in badan waxay u qaxeen waqooyiga magaalada

iyo dhinaca Beledweyne kuwo kalana dhinaca Koonfur iyo

magaalooyinkaJubbooyinka oo ay ka mid tahay magaalada

Kismaayo. Colaaddu waxay la guurtay dadkii qaxayay

waxayna muddo yar gudaheed ku faaftay dhammaan dalka

cirifka cirif. Dagaalku ma ahayn mid qabyaaladdu keligeed

ololinaysay ee waxaa qayb weyn ka qaatay hardankii ka

dhashay kala ridashada bililiqada iyo dhacii aad u baahay.

Buuggu wuxuu akhristaha marinayaa dhulal badan oo

Soomaaliya ka mid ah iyo dalal ay ka mid yihiinJabuuti

Itoobiya Masar iyo Maraykan. Dhulka Soomaaliya iyo

dalalkaas qoraagu wuxuu wax ka xusayaa taariikhda iyo

dhaqanka dadka. Waxaa akhristaha la horkeenayaa dadkii

dibadda u qaxay oo intooda badan aan af Soomaali mooyee

af kale aqoon horana aan u arag dhaqan shisheeye

dhibaatooyinkii ay la kulmeen.

Piracy-free
Assured Quality
Secure Transactions
Delivery Options
Please enter pincode to check delivery time.
*COD & Shipping Charges may apply on certain items.