Tarankii Qurbaha Tagey

About The Book

TARANKII QURBAHA TAGEY waa qoraal gaaban oo si kooban uga hadlaya guud ahaan xaalka ay ku nool yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddammada galbeedka ee Yurub Waqooyiga Ameerika Ustaraaliya iwm. Wuxuu si gaar ah qoraalku wax uga bidhaaminayaa xaaladda ubadkeenna ku nool qurbaha. Buuggan oo ah mid gaaban baa loogu talo galay inuu noqdo mid baraarujiya waxna u ifiya bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Galbeedka. Iyadoo aanay cidina ka reebbanayn akhriskiisa ayaa hadan waxaa si gaar ah loogu talo-galay inay ka faa'iidaystaan dadka galbeedka ku nool oo aan xog sidaa ah aan ka hayn deegaanka ay ku nool yihiin. Sidoo kale in dadweeynaha Soomaaliyeed ee w?addankii ku nool ay ogaadaan nolosha iyo xaalka dhabta ah ee eheladoodii iyo dadkoodii galbeedka u qaxay ay ku sudan yihiin. Sidoo kale inuu dhiiri galiyo dadka arrinkan ku takhasusay kuna aqoonta badan in ay arrintan wax ka qoraan.CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu qoray toddoba buug oo kala ah: Ka joogsada qof yiri Laa Ilaaha Illallaahu xaqeeda mooyee iyo Baarka Sare ee Islaamka oo hal buug isla ah (2011): Tarankii Qurbaha tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021). Dhanka waxbarashadiisa wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance..
Piracy-free
Piracy-free
Assured Quality
Assured Quality
Secure Transactions
Secure Transactions
Delivery Options
Please enter pincode to check delivery time.
*COD & Shipping Charges may apply on certain items.
Review final details at checkout.
downArrow

Details


LOOKING TO PLACE A BULK ORDER?CLICK HERE