WACYI

About The Book

Baahida ay ummadu u qabto muxaadarooyinka culimada awgeed waxaan go'aansadey in aan qoro buuggan oo aan ku ururiyo qaar ka mid ah muxaadarooyinka Sh. Dr Cali Maxamed Saalax. Sheekhu waa mid ka mid ah culimada waqtigooda naftooda iyo maalkoodaba u huray dacwada iyo cilmiga. Aqoontiisa iyo dacwadiisa ummada ayaa ku kala baahsan baraha bulshada iyo ilaha kale ee maanta dadku aqoonta u raadsadaan. Sidaas darteed waxaan xil iska saarey in aan ka dhaxal-reebo aqoontiisa qiimaha leh.

Qorshahayguna waa in dhamaan muxaadaraadka uu duubay Dr Cali iyo culimada kaleba aan ku sameeyo qoraal dhaxal-reeb ah oo faa'ido u noqon kara jiilalka soo socda Haddii uu Alle ? yiraahdo. Wixii sax ah waxay tahay tawfiiqda Alle ? wixii khaladanna waa wax ka yimid naftayda iyo sheeydaan.

Dr Sheekh Cali Maxamad Saalax waa aqoonyahan diimeed iyo cilmi baare ku takhasusay diimaha. Wuxuu ka qaatay shahaadada Bachelor-ka Xadiiska iyo Diraasaadka Islaamka Jaamacadda Madiina (1991) Master-ka cilmiga diinta iyo Diraasaadka Islaamka Maka (1994) Doktoraadka Falsafadda iyo Diimaha Is-barbardhiga ah Jaamacadda Qaranka ee Malaysia (2000) iyo Shahaadada Norwegian center for arbitration and legal services (2020).

Buugaagta Ingiriiska ah ee uu qoray waxaa ka mid ah: Qur'aan: Moral Compass of the Believer Evil Eye: Reality and Remedy The Shield of Islam Domestic Peace The Pearls Jinn & Black Magic 10 Stories from the Prophet iyo The Abrahamic Paradigm - dhammaan laga daabacay Looh Press (2023-2024). Buugaagta Carabiga ah ee uu qoray waxaa ka mid ah: al-Takmiilah fii Taxqiiq Axaadiis min Jamcil Fawaa?id: Qism al-Tafsiir (2023) iyo al-Islaam wal-Diyaanataanii al-Yahuudiyyah wal-Masiixiyyah: Muqaaranaat fii al-U?uul al-?Caqadiyyah (2024). Af-Soomaaliga wuxuu ku qoray: Tiryaaq: Dawada Shubhada-turjumaad (Yaqiin Press 2024) Dawada Nafta (Looh Press 2025) iyo qoraallo kale oo badan.

Hadda Dr. Cali wuxuu ka mid yahay asaasayaasha machadka Iqra Academy maamulaha Iqra Foundation waana imaamka markazka Tawfiiq Islaamic Centre.

CABDALLE SHIIRAAR AXMED KAAMIL waa bare u dhaqdhaqaaqo arrimaha bulshada sidoo kale waa mid jecel oo wax ka baadha Xaddaarada Islaamka. Waxa uu heystaa Shahaado Shariicada oo uu ka qaatay Jaamacada Umma University sanadkii 2021. Kaamil waxa uu kamid yahay aas'aasayaasha Najaat Daawa awareness organization. Sidoo kale waa Aas'aasaha iyo maamulaha Markazka Kaamil Educational Center.

Piracy-free
Piracy-free
Assured Quality
Assured Quality
Secure Transactions
Secure Transactions
Delivery Options
Please enter pincode to check delivery time.
*COD & Shipping Charges may apply on certain items.
Review final details at checkout.
downArrow

Details

LOOKING TO PLACE A BULK ORDER?CLICK HERE