Wiilkii Quusan Waayey: Xusuusqorkii Ololahii Qaaddiid: Xusuusqorkii Ololihii Qaaddiid


LOOKING TO PLACE A BULK ORDER?CLICK HERE

Piracy-free
Piracy-free
Assured Quality
Assured Quality
Secure Transactions
Secure Transactions
Fast Delivery
Fast Delivery
Sustainably Printed
Sustainably Printed
Delivery Options
Please enter pincode to check delivery time.
*COD & Shipping Charges may apply on certain items.
Review final details at checkout.

About The Book

Buuggaani ma aha buuggii ugu horreeyey ee laga qoro qaadka iyo waxyeellooyinka uu bulshada u geystay. Laakiin waxa uu buugaagta kale kaga duwan yahay waa inuu ka kooban yahay dhibaatada qaadku uu shakhsiyan ii geystay iyo sidaan aakhirkii uga guuleystay. Waxaa kale oo uu buugaagta kale kaga duwan yahay wuxuu ka sheekaynayaa ololihii qaadka lagaga joojinayey dalka Ingiriiska iyo guushii laga gaarey.Buuggani sidoo kale wuxuu si aad u furan una hufan oo daacadnimo ku salaysan u soo bandhigayaa dhibaatadii i soo martay waayihii aan maandooriyaha qaadka isticmaali jirey iyo dhibaatooyinkii aan ka soo maray isticmaalka mukhaadaraadka qaadka. Waxaan kaga sheekaynayaa wixii shakhsiyan aan kala kulmay maandooriyaha qaadka iyo waxyaabihii igu dhaliyay inaan isticmaalka daroogada qaadka iska joojiyo. Waxaa kale oo buuggaani kaaga sheekayn doonaa sababihii igu dhaliyay inaan bilaabo halganka dheer ee tobonka sano qaatay ee aan ugu ololeeyay sidii qaadka looga joojin lahaa dalka Ingiriiska.Waxaa kale oo buuggu soo bandhigayaa caqabadihii ka horyimid halgankii dheeraa ee ololaha Qaaddiid. Wuxuu tilmaamayaa oo dhiirrigelinayaa inuusan qofku marnaba ka quusan hiigsiga himiladiisa caqabad walba oo soo foodsaartana uu ku wejeho dhiirranaan iyo dhabar adayg isagoo muujinaya dadaal dheeraad ah Ilaahayna talada saaranaya.ABUUKAR CAWAALE QAADDIID waa qoraa macallin wariye ganacsade ka shaqeeya arimaha bulshada gaar ahaa dabargoynta maandooriyaha qaadka oo uu guul ka gaaray bishii Yuulyo 2013kii markii ugu dambeyntii dowladda Ingiriisku goaansatay in qaadku ka mid yahay maandooriyeyaasha halista ah waxaana laga xaaraantinnimeeyay waddanka Ingiriiska. Wuxuu shaqo culus ka qabtay ololahii qaaddiid ama la dirirkii qaadka laga ganacsado la iibsado ama la cuno. Abuukar Cawaale kuma qanacsana in daIka Ingiriiska Qaadka laga xaaraantinnimeeyay oo kaliya. Wuxuu hadda olole hor leh ugu jiraa sidii wax looga qaban lahaa musiibooyinka uu Qaadku ku hayo in badan oo ka mid ah Soomaalida ku nool gudaha waddanka Soomaaliya iyo waddamada la dariska ahba. Wuxuu u heellan yahay howl cusub iyo halgan hor leh.
downArrow

Details